Hoppa till innehållet

Adeeg Wanaag

Somali Public Agenda
Adeeg Wanaag
Senaste avsnittet

64 avsnitt

  • Adeeg Wanaag

    Saameynta Caafimaad ee Ka Dhalata Isticmaalka Dawooyinka Midabka Doorriya

    2026-07-28 | 52 min.
    Daraasado laga sameeyey Soomaaliya iyo waayo-aragnimo nololeed ayaa lagu ogaaday in dumarka Soomaaliyeed ay dhibaatooyin badan kala kulmaan isticmaalka kareemada la isku caddeeyo. Waxyeellooyinka ka dhasha isticmaalka dawooyinkan kuma koobna oo keliya dhibaatada ay u geystaan jirka, balse waxay sidoo kale saameyn taban ku yeeshaan caafimaadka maskaxda. 
    Qeybtan 47-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Farhia Mohamud, iyo Shukri Ali Mohamed (Shukri Fiican) oo ka hadasha arrimaha caafimaadka gaar ahaan daryeelka jirka iyo cunnooyinka, waxa ay ku falanqeynayaan saameynta caafimaad ee ka dhalata isticmaalka dawooyinka midabka doorriya.  
    Qeybtan 47-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Farhia Mohamud iyo Shukri Ali Mohamed (Shukri Fiican), oo falanqeysa arrimaha caafimaadka, gaar ahaan daryeelka jirka iyo nafaqada, waxay ku falanqeynayaan saameynta caafimaad ee ka dhalata isticmaalka dawooyinka midabka doorriya. 
    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
    ·      Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
    ·      Email us at [email protected]
    Thanks for listening!
  • Adeeg Wanaag

    Jaamacadda SIMAD iyo Kaalinteeda Adeegga Tacliinta Sare ee Dalka

    2026-06-08 | 1 h 7 min.
    Burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ka dib waxaa la furay jaamacado gaar loo leeyahay kuwaas oo dadaal ku bixiyey sidii ay u dabooli lahaayeen booskii hay’adaha waxbarashada ee dowladda. Tirada jaamacadaha Soomaaliya waxay hadda kor u dhaafayaan 130 jaamacadood. Jaamacadda SIMAD waxa ay ka mid tahay jaamacadihii ugu horreeyey ee la furay burburkii kadib, iyada oo soo saartay ku dhawaad 8,500 oo arday.
    Qeybtan 46-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Dr. Aweis Ahmed, iyo Dr. Abdikarim Mohaidin Ahmed oo ah guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD, waxa ay ku falanqeynayaan guud ahaan adeegga tacliinta sare ee dalka, gaar ahaan Jaamacadda SIMAD iyo kaalinteeda ku aadan horumarinta adeegga tacliinta sare ee dalka.  
    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
    ·      Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
    ·      Email us at [email protected]
    Thanks for listening!
  • Adeeg Wanaag

    Reer Miyiga Sidee Ayay U Maareeyaan Abaaraha?

    2026-05-06 | 29 min.
    Dhammaadka sanadkii hore, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday xaalad abaareed in uu dalku galay, kadib markii ay baaqdeen roobabkii deyrta, iyo xilliga kuleylaha jiilaalka ee ka dambeeyay.  In ka badan 5 milyan oo qof ayaa la sheegay in ay abaartu saameysay. 
    Hay’adda Ground Truth Solutions, ayaa warbixin dhawaan ka qortay saameynta abaarta, hababka bulshooyinku ula tacaaleen, iyo sida ay tahay haya’daha ka shaqeeya arrimahan in ay u wajahaan. 
    Qeybtan 45-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweis Ahmed iyo Nasra Hussein Abdi oo iskuduwe ka ah Ground Truth Solutions, waxa ay ku falanqeynayaan nuxurka warbixintaas iyo talooyinkii la soo jeediyey.

    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
    ·      Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
    ·      Email us at [email protected]
    Thanks for listening!
  • Adeeg Wanaag

    Sidee u shaqeeyaa adeegga lacag-bixinta degdegga ah?

    2026-04-07 | 1 h 1 min.
    Inkastoo ay Soomaaliya horumar ka sameysay adeegga bangiyada iyo shirkadaha kale ee ka shaqeeya arrimaha lacagaha, haddana dadweynaha iyo ganacsatada waxa ay culeys ku qabeen in lacagaha la isaga kala diri karin bangiyada iyo shirkadaha maaliyadda dhexdooda. 
    Shirkadda Somali Payement Switch ayaa la sameeyay si ay u fududeyso adeegga lacag dirista iyo wax kala iibsiga, iyadoo la adeegsanayo bangiyo kala duwan.
    Qeybtan 44-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweis Ahmed iyo Cabdullahi Biixi Xuseen oo ah Maareeyaha Somali Payment Switch,waxa ay ku falanqeynayaan adeegyada kala duwan ee ay qabato shirkadda Somali Payment Switch iyo sida ay u fududeyso adeegga lacag bixinta degdegga ah. 
    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
    ·      Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
    ·      Email us at [email protected]
    Thanks for listening!
  • Adeeg Wanaag

    Sidee Loo Kordhin Karaa Dakhliga Canshuuraha ee Dowladda Hoose ee Degmada Cadaado?

    2026-03-13 | 32 min.
    Degmada Cadaado waxa ay ka mid tahay degmooyinkii ugu horreeyay ee Dowlad-goboleedka Galmudug oo maamul iyo hay’ado shaqeeya yeesha. Dowaldda hoose ee degmadu waxa ay qaaddaa canshuur kala duwan, si ay adeegyo kala duwan ugu qabato. Hase ahaatee, maamulka degmada ayaanan soo xareeyn canshuur ku filan, sababo kala duwan awgood.  

    Somali Public Agenda ayaa dhawaan daabacday daraasad ku saabsan “Sida loo kordhin karo Dakhliga Canshuuraha Dowladda Hoose ee Degmada Cadaado?” ayadoo la adeegsanayo habka cilmibaaris ee loo qayaanno Local Strategies Research (LSR) iyo hannaanka Evidence-Based Policy Design. 

    Qeybtan 43-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweis Ahmed, agaasimaha SPA Policy Lab, iyo Farhia Mohamud oo ah cilmibaare ka tirsan Somali Public Agenda sidoo kalena hormuud u aheyd cilmibaarayaasha daraasadaas, waxa ay ku falanqeynayaan nuxurka daraasaddaas iyo waxyaabihii lagu ogaaday.
    Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast
    ·      Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab
    ·      Email us at [email protected]
    Thanks for listening!
Fler podcasts i Stat och kommun
Om Adeeg Wanaag
Public services in Somalia are highly limited due to the weakness of government institutions struggling to recover from destruction caused by conflict. However, even those government services that do exist fail to serve people effectively. Access to public services is a fundamental right for Somali citizens. Join Aweis Ahmed, the director of the SPA Policy Lab, and his guests, who will intensely discuss the public service matters in Somalia in the Adeeg Wanaag podcast.
Podcast-webbplats

Lyssna på Adeeg Wanaag, Bli polis-podden och många andra poddar från världens alla hörn med radio.se-appen

Hämta den kostnadsfria radio.se-appen

  • Bokmärk stationer och podcasts
  • Strömma via Wi-Fi eller Bluetooth
  • Stödjer Carplay & Android Auto
  • Många andra appfunktioner
Adeeg Wanaag: Poddsändningar i Familj
Sociala nätverk
v8.15.3 | © 2007-2026 radio.de GmbH
Generated: 8/31/2026 - 4:07:14 PM